SAWIRRO: Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia Oo La Kulmay Wasiiro Ka Tirsan Canada & Sweden

14 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Caasimadda Biljimka ee Brussels dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, oo ka qeybgashay gaba gabada Madasha Wax wadaagga Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen deeqbixiyeyaasha caalamiga.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir waxa ay muujiyeen rajo wanaagooda xaaladda Soomaaliya in ay gaarto heer barwaaqo, iyagoo xaqiijiyay xiriirka xooggan ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo.

Sweden waxa ay ka mid tahay kuwa taageera isbadalka iyo horumarka Soomaaliya, waxa ayna ka qeyb tahay dalalka ugu muhiimsan ee barbar istaagan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.