Sawirro:-Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Magaalada Baydhabo…

23 total views, 1 views today

Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Waxaa Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Wafdi Ka Socda Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dhanka Socdaalka Ee Marka Magaceeda La Soo Gaabiyo Loo Yaqaano IOM.

Wafdiga Ayaa Waxaa Soo Dhaweeyay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Wasiir Ku Xigeenka  Amniga Koonfur Galbeed C/Risaaq Cabdi Aadan, Oo Uu Wehlinayay Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida M/Baydhabo Iyo Masuuliyiin Kale.

Wafdiga Ayaa Soo Dhaweyn Kadib Waxa Ay Kormeer Ku Tageen Xarumo Ku Yaalla Baydhabo Gaar Ahaan Kuwo Lagu Dhaqan Celiyo Dadka Ka Soo Baxa Al-Shabaab.

Saacadaha Soo Socda Ayaa La Filayaa In Wafdiga Kulamo La Qaataan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Goordhow Gaaray Magaalada Baydhabo,Iyaga Oo Ka Wada Hadli Doono Arrimo Dhowr Ah Oo La Xiriira Arrimaha Socdaalka Wafdiga Ee Baydhabo.