SAWIRRO: Shirweyne Dib U Heshiisiin Ah Oo Ka Furmay Ceel Afweyn…

12 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Magaalada Ceel Afweyn Ee Gobolka Sanaag Waxaa Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Shir Dib U Heshiisiineed Oo La Doonayo In Lagu Soo Afjaro Dagaal Dhowr Sanadood Halkaa Ku Dhex Marayayey Laba Beelood.

Qabanqaabada Shirweynaha Ayaa Soo Socotay Labadii Bilood Ee U Dambeeyey.

Waxaa U Xilsaaran Inay Xaajada Ka Gar Naqaan 66 Xubnood Oo Isugu Jira Xeerbeegti, Culumaa’udiin Iyo Madax Dhaqameed.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) Ayaa Dhinacyada Ugu Baaqay Inay U Hogaansamaan Go’aannada Ay Cuqaashu Gaaraan.

Shirweynahan Waxaa Aad Isha Ugu Haya Dadka Reer Somaliland, Ayadoo Colaaddan Oo Soo Noqnoqotay Dhowrkii Sano Ee U Dambeeyey Ay Ku Dhinteen Dad Ku Dhow Ilaa 100 Qof.