SAWIRRO: RW Kheyre oo Kormeeray Saldhiga Hodan.

21 total views, 2 views today

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya oo komeer aan horay looga sii warqabin waxa uu ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa Saldhiga ugu tagay Saraakiil uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan, Wuxuuna ka dhageystay Warbixin ku saabsan amniga Degmada iyo wada shaqeynta udhexeysa Ciidanka iyo Shacabka ku sugan Xaafadaha Degmada Hodan.

Kheyre waxa uu bogaadiyay Shaqada ay hayaan Ciidanka Booliska, Wuxuuna ku adkeeyay inuu xoojiyaan, Isagoo uga sheekeeyay dhowr iyo labaatan sano kahor oo uu saldhiga Hodan askari ka ahaa, Wuxuuna qori jiray “Oobiga” lagu diiwaan galiyo danbiyada ka dhaca Degmada.

Si Kastaba amniga Degmada Hodan ayaa maalmahan ahaa mid hagaagsan, Waloow Shalay ay kooxo hubeysan ku dileen Xaafada Siigaale ee Degmada Hodan, Nabadoon ka soo jeeday Gobolka Hiiraan.