SAWIRRO:-Maxay ka wada hadleen R.W Khayre iyo R.W Ku xigeenka Turkiga?

???????????

26 total views, 1 views today

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ayaa Xalay Kulan Soo Dhawayn Ah La Yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu, Iyo Wafti Ballaaran Uu Hogaaminiyey, Waxuuna Soomaaliya U Yimid Dardargalinta Mashaaariic Horumarineed Oo Dalka Turkigu Uu Ka Fuliyo Soomaaliya Iyo Xoojinta Heshiisyo Ganacsi Oo Ay Wada Galayn Labada Dawladood.

Ra’iisul Wasaare Khayre Ayaa Sheegay In Uu Ku Farxsan Yahay Booqashada Uu Soomaaliya Ku Joogo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Oo Wadankiisa Labaad Yimi, Waxuuna U Mahed Celiyay Shaqaalaha Safaaradda Iyo Safiirka Turkiga U Qaabilsan Soomaaliya, Sida Ay Marwalba Ula Shaqayaan Dawladda Soomaaliya Iyo Sida Ay Uga Qayb Qaataan Xaaladaha Deg Deg Ah Ay Marar Qaar La Kulmaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hakan Cawuşoglu Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Ayaa Ka Warbixiyay Socdaalkiisii Uu Ku Marayay Qaarada Africa Iyo Booqashadiisa Soomaaliya, Isagoona Maanta Dhagax Dhigay Jid Isku Xiridoona Magaalada Muqdisho Iyo Xarun Lagu Tobaboro Ciidamada Oo Ay Dhismaheeda Hirgaliyeen Turkiga.

Waxuuna Bogaadiyay Goloha Midowga Ee Wasiiradda Dhaqaalaha Labada Dal, Heshiiska Kulluumaysiga Ee Soomaaliya, Xoojinta Amnigga, Kobcinta Dhaqaalaha Dalka Iyo Dard Dargalinta Siyaasada Loo Dhanyahay Oo Dhamaantood Ay Ku Guulaystay Xukuumadda Haatan Jirta.