SAWIRRO: Madaxweynaha Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Gaalkacyo Ka Furay Gogol Nabadeed

21 total views, 1 views today

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Ka Furay Gogol Nabadeed Oo Horudhac U Ah Heshiis Rasmi Ah Oo U Dhaxeeya Bulshada Ku Nool Labada Dhinac Ee Gaalkacyo.

Gogoshan Nabadeed Oo Maanta Ka Dhigay Koofurta Gaalkacyo Ayaa Waxaa Fidiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. C/Wali Jaamac Gorod Oo Ku Sugan Gaalkacyo, Gogoshan Ayaa Socon Doona Muddo Labo Cisho Ah, Waxaana Ka Soo Qeyb Galay Taliyaha Ciidamada Puntland Jen. Saciid Dheere Labada Guddoomiye Ee Gobolka Mudug, Labada Duq Magaala Ee Labada Maamul,Odayaasha Ka Soo Jeeda Koofurta Iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf Oo Khudbad Ka Jeediyay Gogosha Nabadeed Ayaa Sheegay In Dhulka Lagu Dagaalayo Ay Ka Dhisayaan Guryo, Isla Markaana Aysan Jiri Doonin Dhul La Isku Qabsado Iyo Sabab Ay Dadka Gaalkacyo Ku Dagaalaan.

“Dhulka Lagu Dagaalayo Waxaa Ka Dhiseynaa Guryo, Ma Jiri Karta Dhul La Isku Qabsado Iyo Sabab Ay Dadka Gaalkacyo Isku Dagaalaan, Annigu Waxaan 50 Sano Ka Hor Wax Ku Bartay, Kuna Barbaaray Gaalkacyo Qaybta Waqooyiga, Waa Caqli Xummo Wayn Iyadoo Dhulkii Uu Yahay Mid Soomaali Oo Dhan Ka Badan Haddana In Maalin Kasta Ay Boqolaal Qof Ku Dhintaan Wado Laami Ah, Iyo Daaqsin, Waxaan Talo Kusoojeedin Lahaa In Shacabka Puntland Ay Soo Dagaan Dhulka Galmdug, Kuwa Galmdug-Na Ay Dagaan Dhanka Puntland”Ayuu Yiri Madaxweynaha Galmudug.

Talyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeyo Gaas C/Wali Jaamac Gorod Ayaa Isagoo Ka Hadlaya Shirka Waxaa Uu Yiri “Inta Aan Madaxwayne Farmaajo Ii Magacaabin Xilkaan Ayaan Ka Shaqaynayay Nabadaynta Gobolka Mudug, Gaar Ahaan Gaalkacyo, Illaahay Baan Idinku Dhaarshee Rabbigiin Cafis Waydiista, Adduunkiina Waad Ka Harteen, Aakhirana Ma Aydiin Gaarin.

Waxaa Kaloo Gogosha Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Sonkor Jaamac Gayre, Talyaha Guud Ee Ciidanka Difaaca Puntland Generaal Siciid Dheere, Saraakiisha Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka, Iyo Cuqaasha Labada Dhinac, Waxaana Dhammaantood Isku Raaceen In Ay Diyaar U Yihiin Gaalkacyo In Ay Noqoto Meel Nabad Ah, Dhinac Kasta Waxaa Ay Xaqiijiyeen In Nabadda Gaalkacyo Aysan Wax Sharuud Ah Ku Xiraynin.

Maalinta Berri Ah Ayaa La Filayaa In Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalku Uu Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqo Guddi Isku Dhaf Ah Oo Ka Duwan Guddiyadii Horey Loo Magacaabi Jiray, Iyadoo Sidoo Kalena La Filayo Isla Maalinta Berri In Meesha Laga Saaro Ciidamada Is-Hor Fadhiya, Iyo Xaduudaha Ay Samaysteen Galmudug Iyo Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.