SAWIRRO: Maalinta Xuquuqul Insaanka Oo MAANTA Muqdisho Laga Xusay…

20 total views, 1 views today

Lix Urur Oo Ka Tirsan Kuwa U Doodda Xuquuqda Aadanaha Wadashaqeynna Laleh Xafiiska Qaramada Midoobay U Qaablisan Xuquuqda Aadanaha Ee Soomaaliya Ayaa Maanta Si Wada Jir Ah U Xusay 10ka Disember Oo Ah Maalinta Caalamiga Ee Xuquuda Aadanaha .

Xuska Sanadkan Ayaa Ka Duwanaa Kuwii Sanadihii Hore Waxana Ka Qeyb Galay Dad Ay Ku Dhaceen Tacdiyo Kale Duwan  Iyo Kuwa  Waayay Xuquuqdii Ay Lahaayeen Oo La Dulmiyay Iyada Oo Xuska Lagu Qabtay Xero Ay Ku Noolyihiin Dadka Soo Barakacay Oo Ku Taal Degmada Deyniile.

Aamina Xasan Oo Ka Mid Ah Haweenka Ku Jirta Xero Barkacayaal Oo Ku Taal Dhismihii Jaamacadii Hore Ee Soomaaliya Ee Gaheyr Ayaa Sheegtay In Lixaadkeedu Uu Kala Dhantaalan Yahay Lix Canug Oo Agaaon Ahna Ay Heystao ,Waxa Iyada Oo Horfadhisa Aqalka Yar Ee Jiingada Iyo Cooshadaha Ka Sameysan Ay Sheegtay In Caruurteeda Aaney U Awoodin Waxbarasho Oo Kaliya Ay La Halganto Sidii Ay Cunto Maalmeedka Ugu Heli Laheyd .

Mid Ka Mid Ah Haweenka Ku Jira Xerada Dadka Soo Barakacay Ee Duleedka Muqdisho Oo Ka Gaabsatay In Magaceeda La Xuso Ayaa Sheegtay Tacdiyada Ay Haweenka Ku Jira Xeryaha Barakacayaasha Ay Badan Yihiin Waxana Jira Bey Tiri Haween La Kulma Kufsi Oo Cabsi Amaankooda Ama Sharafkooda La Xiriira Aan Soo Bandhigi Karin Tacdiyada Ay La Kulmaan.

Fadwo Xasan Jimcaale Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Qeybta  Haweenka Iyo  Dhawritaanka Caruurta Ee Wadashaqeynta La Leh Qaramada Midoobay Ayaa Sheegtay In Xuska Maaintan Uu Ahmiyad Weyn U Leeyahay Loona Baahan Yahay In La Isku Baraarujiyo Sidii Gebi Ahaanba Loo Joojin Lahaa Tacdiyada Ka Dhanka Ah Xuquuqda Aadanaha Ee Weli Ka Soconaya Soomaaliya.

Cabdullaahi Xasan Xuseen (Machadka Naafada ) Ayaa Isaga Oo Saaran Baaskiilka Dadka Naafada Ah Ay Ku Socdaan Waxa Uu Sheegay In Fuquuq Xoog Leh Ay Kala Kulmaan Bulshada Dhexdeeda Islamarkaana Loo Baahan Yahay In Dadka Naafada Ah La Siiyo Fursado Shaqo Oo La Mid Ah Kuwa Dadka Caadiga Ah .

Xoghayaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu Oo Ka Mid Ahaa Masuuliyiintii Soo Qaban Qaabisay Munaasabadda Ayaa Sheegay In Soomaaliya Ay Liiska Hore Uga Jirto Goobaha Ay Dadku La Kulmaan Tacdiyo Kala Duwan Iyo Sanadkan Sii Dhamaanaya Ay Soomaaliya Ka Dhaceen Gabood Fallo Ka Dhan Ah Xuquuqda Aadanaha .

Waxa Uu  Xusay Macalimuu In Wariyayaasha Ay Ka Mid Yihiin Dadka Nugul Ee Had Iyo La Kulma Tacadiyada Marka Ay Bulshada U Gudbinayaan Xaqiiqooyin Jira ,Waxa Kaliya Ee Loo Bartilmaameedsanayana Ay Tahay Shaqada Ay Shacabka U Hayaan.

Muna Xasan (Axlaa) Oo Ah Madaxa Isutagga Dhalinyarada Ayaa Sheegtay In Loo Baahan Yahay In Loo Wada Istaago Difaaca Xuquuqda Aadanaha Oo Aysan Aheyn Arin Kaliya U Taalla Dowladda.

 

Ugu Dan Been Xaglada Ayaa Kusoo Dhamaatay Si Nabad Ah Ayadoo Dhamaan Dadkii Kaqeeb Galay Ay Wada Dareemayee Farxad Aad Uway .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.