SAWIRRO:-Howlgal Ciidamada Danab Ay Ka Fuliyeen Shabeellaha Hoose

22 total views, 1 views today

Dowladda Somaliya Ayaa Soo Bandhigtay Sawirro Muujinaya Hawlgalkii Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Iyo Kuwa Amisom Ay Ku Gaareen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabellaha Hoose Oo Shabaab Ay Maamulaan.

Isniintii Ayeey Aheyd Markii Hawlgalkaan Uu Dhacay, Iyadoo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Ay Sheegeen In Lagu Burburiyay Gaadiid Qaraxyo U Soo Siday Magaalada Muqdisho.

Abaandulaha Ciidamada Xoogga Dalka Somaliya C/Laahi Cali Caanod, Ayaa Sheegay Laba Gaadiid Oo Qaraxyo U Soo Waday Magaalada Muqdisho In Lagu Bur Buriyay Halkaasi.

Deeganada Hawlgalka Ay Ka Dhaceen, Ayaa Waxa Ay Kala Yihiin Awdheegle, Mubaarak, Daanyeerey Iyo Ugunji Oo Dhamaantood Ka Tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Somaliya Ayaa Sidoo Kale Sheegay Inay Bur Buriyeen Kayd Shabaab U Yaalay Deegaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabellaha Hoose.