Sawirro:-Hirshabeelle Oo Tababar Siineyso Macawiiysleyda La Dagaalameysa Al-Shabaab

29 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Shirka Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Uu Shir Gudoominayay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Islamarkaana Uu Goob Joog Ka Ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen Ayaa Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay, (20/10/2018) Ka Dhacay Hoolka Shirarka Mdaxtooyadda Ee Magaalada Jowhar Iyadoo Lagu Gorfeeyey Arrimo Badan Oo La Xiriira Dhinaca Amniga, Dhaqaalaha,Wax Soo Saarka, Dib U Dhiska Iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada, Iyo Hirgelinta Mashruucda Horumarineed Oo Haddaba Diyaarka Ah.

Goluhu Waxa Uu Warbixin Ka Dhegeystay Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Ku Dheeraatay Dhinaca Amniga Oo La Isla Gartay In La Dar Dargaliyo Dhismaha Ciidmada Hirshabeelle Oo La Qorsheeyay Dabayaaqada Bishan In Hirshabeelle Loo Tababaro Ciidamo Boliis Ah Oo Ay Hirshabeelle Sidoo Kale Iyana La Taageero Dadka Isku Xilqaamay La Dagaalanka Al-Shabaab Kuwaasi Oo Ilaa 2000 Ciidan Ahaan Loo Qarameyn Doono Sida Uu Sheegay Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabeelle Mudane C/Qaadir Jeelle.

Iyadoo Laga Duulayo Qorshaha Horumarinta Iyo Dib U Dhiska Hirshabeelle Waxa Uu Goluhu Isla Qaatay In Lasoo Horumariyo Adeegyada Aas-Aasiga Ah Ee Arrimaha Bulshada, Sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Horumarinta Beeraha, Iyo Dhismaha Waddooyinka.

Sidoo Goluhu Wuxuu Soo Dhoweeyay Mideynta Canshuurta Hirshabeelle Oo Ay Wasaaradda Maaliyadda Hirgalisay Nidaamkaasi Taasi Oo Lagu Ammaanay Dadaalka Wasaaaradda Maaliyadda Ay Ku Dooneyso Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabeelle, Iyadoo Warbixin Laga Dhageystay Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Cabdi Dheere Qorshayaasha Wasaaradda Oo Uu Sheegay In Ay Diyaariyeen Nidaam Casri Ah Oo Lagula Soconayo Dhaq Dhaqaaqa Shaqada Wasaaradda Taasi Oo Ah Mid Ka Hufan Musuq Maasuq.

Ugu Dambeyn Golaha Wasiirada Waxa La Horkeenay Hindise Sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle, Iyadoo Loo Qeybiyay Wasiirada Hindise Sharciyeedkaasi Shirarka Soo Socdo Looga Doodi Doono.