Sawirro:-Dowladda Soomaaliya Oo Maanta La Wareegtay Gaadiid Ciidan

24 total views, 1 views today

Gaadiidkani nuuciisu yahay Landcroser oo 30 xabo ah ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka guddoontay Dowladda Qadar,kuwaasi oo loogu talagaly Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

Waxaa dowladda Soomaaliya u guddoomay Wasiirka Amniga oo uu ka guddoomay Danjiarah Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay dowrka ay ku leedahay Taageerida dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda.

“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa,intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar,safar aan dhawaan ku tagay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh  Cabdalla C/naasir Bin,wuxuu balanqadaay in uu taageero Dowladda Soomaaliya,taageeradaasi ayaa bilaabatay,waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcroser ah,kuwaasi oo loogu talaglay in Ciidanka Booliska”.Ayuu yiri Wasiir Islow.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,sida fulinta mashaariic horumarineed