SAWIRRO: Dhulka Dowladeed Ee La Sheegay Inuu Iibiyay M/G/Banaadir Ee Dhaliyay Khilaafka Kheyre Iyo Taabit

20 total views, 3 views today

Waxaa Sii Kordhaaya Khilaaf Siyaasadeedka Ka Dhashay Dul Dowladeed La Sheegay In Maamulka Gobolka Banaadir Uu Ku Bixiyay Sifo Sharci Daro Ah.

Dhulalka Dowlada Ee La Bixiyay Oo Dhowr Dhul Ah Ayaa Waxaa Kamid Ah Dhulka Lagu Iibin Jiray Qaadka Isla Markaana Laga Rari Jiray Gaadiidka Bl-Ka Ee Ku Yaalla Ceelgaabta Degmada Xamarweyne , Kaa Oo La Sheegay In Laga Iibiyay Ganacsato.

Dhulkan Oo Baaxad Weyn Ku Fadhiya Ayaa Kamid Ah Dhulalka Waaweyn Oo Ay Isha Ku Hayaan Ganacsatada Maadaama Uu Ku Yaalo Goob Muhiim Ah, Hase Ahaatee Waxaa La Tibaaxayaa In Maamulka Gobolka Ay Iminka La Xumaatay Iibinta Dhulka.

Xubnaha Dowlada Hoose Ugu Magacaaban Dhulalka Ayaa Iska Fogeeyay Wax Ka Ogaanshiyaha Dhulkaasi La Bixiyay, Waxaana Sidoo Kale Jira Xogo Muujinaaya In Shaqsiyaadka Laga Iibiyay Dhulkaasi Ay Waayadan Wada Kulmayeen Guddoomiyaha Gobolka.

Dowladda Hoose Ee Muqdisho Ayaa Beenisay In Ay Bixisay Dhulal Dowlo Wixii Ka Dambeeyay 8- Bishii February Ee Sanadkii 2017-Kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.