Sawirro:- Dalka Kazakhstan Oo 16 Ceel Biyood Ka Qodday Shabeellaha Dhexe

25 total views, 3 views today

(Warqaat.com)—Dowladda Kazakhstan,Ayaa Maalgelisay Dhismaha Iyo Qodidda 16 Ceel Biyood Oo Laga Hirgeliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howsha Dhismaha Iyo Qodidda Ceel Biyoodka Waxaa Fududeeyay Howlgalka Midowga Afrika E AMISOM,Kuwaas Oo Wakiillo Ka Socday Iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Ay Iska Kaashadeen Qodidda Ceelashaas.

Munaasibad Ceelasha Biyaha Loogu Wareejinayay Dadka Degaanka Oo Ka Dhacday Tuulada Dhaaif Ee Duleedka Jowhar Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Mas’uuliyiinta Ugu Sarreysa AMISOM Oo Uu Ka Mid Yahay  Francisco Caetano Madeira.

Saraakiisha AMISOM Ee Goobta Ka Hadashay Ayaa U Mahad Celiyay Dowladda Kazakhstan Oo Bixisay Dhaqaalaha Lagu Qoday Ceelashaas.

Guddoomiyaha Magaalada Jowhar, Ku Xigeenkiisa Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Socday Gobolka Iyo Maamulka Hirshabeelle Ayaa Sidoo Kale U Mahad Celiyay Dowladda Kazakhstan Iyo AMISOM Oo Shaqadaas Iska Kaashaday,Waxaana Ay Sheegeen In Tuulooyinka Ceelasha Laga Hirgeliyay Ay Ka Jirtay Biyo La’aan Badan,Waxaana Ay Intaas Ku Dareen In Hadda Wixii Ka Dambeeya Laga Baxayo Biyaha Wasaqda Ah Ee Degaanka Laga Cabi Jiray.

Saalax Muude Cali Guddoomiyaha Jowhar Ayaa Sheegay In Dadka Degaanka Ay Baahi Badan U Qabeen Ceelashan,Islamarkaana Ay Hadda Kaddib Ka Bixi Doonaan Dhibaatada Biyo Xumida Ee Heysata.