Sawirro:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dagaalka Gobolka Sool

19 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wararka Naga Soo Gaaraya Magalada Laas-Caanood Ee Xarunta Gobolka Sool Ayaa Waxa Ay Sheegayan In Gelinkii Dambe Ee Maanta Halkaasi Uu Ka Dhacay Dibadbax Looga Soo Horjeedo Dagaalka Deegaanka Dumay Ee Gobolka Sool.

Shacab U Badan Haween Iyo Carruur Ayaa Maanta Wadooyinka Laas-Caanood Isugu Soo Baxay,Iyaga Oo Ka Soo Horjeeda  Dagaalka Ka Socda Degaanka Dhumey Ee Koonfurta Gobolka Sool.

Shacabka Ayaa Watay Boorar Ay Ku Qoran Yihiin Nabad Ayaa Naasla Nuugo Leh,Colaad Doonimeyno Iyo Erqyo Kale,Iyaga Dalbanayay In Dagaalkaas Si Deg Deg Ah Loo Joojiyo.

Qaar Ka Mid Ah Shacabka Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Waxa Ay Sheegeen Inay Aad Uga Xun Yihiin Dagaalkaas,Isla Markaana Hadii Ay Yihiin Shacabka Magalada Laas-Caanood Ay Dalbanayaan In La Joojiyo.

Dagaalka Deegaanka Dhumay Ee Koonfurta Gobolka Sool Ayaa Geystay Dhimashada 50 Ruux Iyo Dhaawaca In Ka Badan 80 Kale,Waxaana Weli Jirin Cid Kala Dhex Gashay Marka Laga Reebo Hadalo Baaqyo Ah Oo Warbaahinta Loo Marsiinayo.