SAWIRRO: Axmed Madoobe Oo Kulan Gaar Ah La Qaatey Jaaliyadda Somaliyed Ee M/ Brussels

12 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah kula qaatey magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ururada Bulshada Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka Shuraakada Soomaaliyeed ee ka dhacaya Brussels.

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri galiyey Ururada bulshada Soomaliyeed inay ka miro dhaliyaan dadaaladooda oo ay ugu horeyso wacyi galinta bulshada , ka qeybqaadashada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo in ururada bulshadu qeyB ka noqdaan Dolwadda si ay u fududaato loona hubiyo in sidii la rabey ay bulshada u gaareen adeegyada asaasiga ah ee shacabku ka sugayo Dowladda.

Madaxeyne Axmed Madoobe oo weli kulamo kawada Magalada Brussels ayaa Saacadihi la soo dhaafay waxa uu sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah Madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee shirkii Brussels ka qeyb gashay.