Sawirro:-Axmed Madoobe Iyo Oglan Bekar Oo Ku Kulmay Kismaayo

????????

17 total views, 2 views today

Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Waxaa Galabta Gaaray Wefdi Uu Hoggaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga U Fadhiya Dalka Soomaaliya.

Masuuliyiin Ka Tirsan Jubbaland Oo Uu Ugu Horeeye Madaxweyne Axmed Madoobe Ayaa Ku Soo Dhaweeyay Kismaayo Olgan Bekar Xafiiska Dowladda Turkiga U Fadhiya Soomaaliya.

Soo Dhaweyn Kadib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Ee Soomaaliya  Axmed Maxamed Islaam Ayaa Aqalka Martida Ee Magaalada Kismaayo Ku Qaabilay Danjiraha Dowlada Turkiga U Fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo.

Labada Dhinac Ayaa Waxa Ay Ka Wada Hadleen Taageerada Dowladda  Turkiga Ay Siiso Soomaaliya Gaar Ahaan Maamulka Jubbaland,Waxaana Safiirku Uu Sheegay In Turkigu Uu Taageero Dhinac Walbo Ah Siin Doono Maamulka Jubbaland.