SAWIRRO: Agaasimaha Isbitaalka Keysaney Dr Axmedtaajir oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay

46 total views, 3 views today

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta guddoonsiisay shahaado sharaf agaasimaha isbitaalka Keysaney Dr Axmed Maxamed Taajir isagoo ku muteystay howlqabad,karti iyo u dhimrin bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bukaanada ku jira isbitaalka Keysaney.

Tan iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayuu Dr Taajir waxa uu ku mashquulsanaa sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaawacma dagaalada iyo weliba dadka kale ee qaba bukaanada kale.

Maamulka Hirshabelle oo tixgelinaya qiimaha uu ugu fadhiyo dhakhatarkan Soomaaliyeed ayuu guddoonsiiyay shahaado sharaf.

Eng Cabdirizaq Xaaji Bood oo ah la taliyaha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa guddoonsiiyay shahaado sharaftan Dr Axmedtaajir isagoo ugaga mahadceliyay howlaha uu bulshada Soomaaliyeed u qabto.

“Aad ayay sharaf iigu tahay in aan ku soo gaarsiiyo shahaado sharaftan oo ay dowlad goboleedka Hirshabelle ugu talogashay waxqabadka aad ummada Soomaaliyeed u hayso waxaana aan salaam kaaga sidaa Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo kuu gartay shahaadadan.”ayuu yiri Eng Bood.

Sidoo kale Dr Axmed Taajir ayaa ugaga mahadceliyay dowlad goboleedka Hirshabelle shahaado sharaftan ay guddoonsiiyeen waxana uu sheegay in uu sii wadi doono adeegga uu u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Axmed Maxamed loona yaqaan Dr. Taajir ayaa sannadkii 1992dii shaqo ka bilaabay Isbitaalka Keysaney, sannad ka dib dhicidii maamulkii siyaad Barre oo soo dedejiyey in xaalad colaad sokeye ay ka dhacdo Soomaaliya . Wuxuuna dhakhtarku tan iyo mudadaas ka kaalmeeyey kumanaan bukaan ku dhaawacmay colaada hubeysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.