SAWIRO: Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Shacabka ?

2,415 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Kulanka Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Oo Uu Shir Gudoominaayey Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ayaa Lagaga Hadlay  Ajandayaal Muhiim Ah.

Qodobada Lagaga Hadlay Shirka Ayaa Kala Ahaa Dhameystirka Dooda  Aqrinta Labaad Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlyaasha Caafimaadka Qaranka, Aqrinta Labaad Hindise Sharciyeedka Wax Ka Badalka Sharciga Siyaasada Maareynta Maaliyadda Ee Dalka (PFM) Iyo Qeybinta Xeerka Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada.

Sidoo Kale Xildhibaanada Ayaa Ugu Horeyn Mar Kale Ka Dooday Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Oo Ay Soo Diyaarisay Wasaarada Caafimaadka.