Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jaamacad Cusub Oo Loogu Magac Daray…

18 total views, 1 views today

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Iyo Xubno Katirsan Golihiisa Wasiirada Ayaa Maanta Gaaray Si Weyna Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta KMG Ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Xubno Katirsan Maamulkiisa Ayaa Magaalada Baydhabo Si Heer Sare Ah Ugu Soo Dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Somalia Iyo Xubnaha La Socday.

Ra’isul Wasaare Kheyre Ayaa Booqasho Ku Tagay Jaamacad Dhawaan Laga Furay Magaalada Baydhabo Oo Loogu Magac Daray Kheyre, Waxaana Jaamacadan Ardayda Dhigata Qarashka Ku Baxaya Horey U Balan Qaaday In Uu Bixinayo R/Wasaaraha.

Xasan Khere Ayaa Kormeeray Qeybaha Kala Duwan Ee Jaamacada Kheyre, Waxa Uuna Halkaasi Kula Hadlay Ardayda Dhigata Jaamacadaasi Oo U Badan Kuwa Danyar Ah Oon Awoodin In Jaamacadaha Kale Lacag Ku Bixiyaan.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaalia Ayaa Magaalada Baydhabo Caawa Ku Hoyanaya, Waxa Uuna R/Wasaaraha Inta Uu Magaaladaasi Joogo La Kulmi Doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Magaaladaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.