Sarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab Oo Isu Soo Dhiibay Maamulka Koofurgalbeed….

21 total views, 1 views today

Wararka Ka Imanaya Magaalada Baydhabo Ayaa Sheegaya In Gelinkii Dambe Ee Maanta Ay Ka Degtay Diyaarad Helicopter Ah Taasoo Uu Saarnaa Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Soo Goostay Ururka Alshabaab.

Sarkaalkan Oo Aan Magaciisa La Shaacin Isla Markaana Aan Loo Soo Bandhigin Saxaafada Ayaa La Sheegay In Laga Soo Duuliyay Magaalada Diinsoor Oo Ka Mid Ah Gobolka Bay.

Cabdulle Isaaq Oo Ka Tirsan Ciidamada Koofur Galbeed Ayaa U Xaqiijiyay Saxaafada Isa Soo Dhiibista Sarkaalkan Hore Ugaga Tirsanaa Alshabaab.

Wararka Ayaa Waxaa Ay Intaa Ku Darayaan In Sarkaalka Ka Tirsanaa Alshabaab Uu La Soo Goostay Baabuurta Ay Soomaalidu U Taqaan Cabdi Bilaha Iyo Darawalkii Uu Kaxeynayay.

Tan Iyo Markii Degaanada Koonfur Galbeed Uu Gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Ayaa Waxaa Jirtay In Ay Isa Soo Dhiibayeen Xubnaha Shabaab Ka Tirsan Ee Sida Dhuumaaleysiga Ah Ku Jooga Magaalada Baydhabo, Kuwaasi Oo Warar Soo Baxayay Ay Sheegayaan In Roobow Uu Ku Cadaadinayay In Ay Isa Soo Dhiibaan.

Degmada Diinsoor Ayaa Ah Magaalada Ay Maleeshiyaad Ka Tirsan Alshabaab Ay Imanayeen Toddobaadyadii La Soo Dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.