Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Caawo Lagu Dilay M/Muqdisho

11 total views, 1 views today

Kooxo Hubeysan Ayaa Goordhow Qeybo Ka Mid Ah Degmada Dharkenley Ee Gobolka Banaadir  Waxa Ay Ku Dishay Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka Oo Magaciisa Lagu Soo Koobay Yuusuf,Ayaa La Sheegay In Xiliga La Dilayay Uu Ku Sugnaa Goob Ganacsi Uu Ku Lahaa Xaafada Macalin Nuur Ee Degmada Dharkenley.

Goobjoogayaal Ayaa Waxa Ay Warqaat.Com U Sheegen In Kooxdii Ka Dambeysay Dilka Sarkaalka Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya Ay Goobta Isaga Baxsadeen. Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya Ayaa Goobta Gaaray,Kuwaas Oo Haatan Wada Baaritaano Ku Aadan In Ay Gacanta Ku Dhigaan Dadkii Ka Dambeeyay Dilkaas.