Sarkaal Dhowaan Dharbaaxay Ku Simaha Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Oo Xilka Laga Qaaday…

26 total views, 1 views today

Taliyihii Ciidanka Booliiska Qeybta Galbeed G/lle sare Maxamed Daahir ayaa xilka laga qaaday ka dib markii uu feeray ku simaha taliyaha Booliska  Jen. Mukhtar Xuseen Afrax maalmo ka hor

Falkan Gacan ka hadalka ah ayaa yimid ka dib markii saraakiishan oo shir ku jira uu Maxamed Daahir ka soo horjeestay awaamiir la siiyey oo ku saabsanaa Nabadgelyada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilka taliyaha booliska qeybta galbeed loo magacaabay Qaasim Axmed Rooble oo mar soo noqday afhayeenka laamaha amaanka.

Dhinaca kale Maxamed Daahir oo ahaa taliyaha qeybta galbeed ee ciidama Booliska ayaa markii xilka laga qaaday waxaa la sheegay in la geliyey xabsi guri, lamana oga talaabada xigta ee laga qaadi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.