Sarkaal Ciidan Oo Caawa Lagu Dilay Magalada Muqdisho….

18 total views, 1 views today

Kooxo Ku Hubeysnaa Bustoolado Ayaa Caawa Qeybo Ka Mid Ah Xaafada Macalin Nuur Oo Ka Tirsan Degmada Dharkenley Waxa Ay Ku Dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka La Dilay Ayaa Dadka Deegaanka Waxa Ay Magaciisa Ku Sheegeen Maxamed Xasan Ciise,Waxana La Sheegay In Xiliga La Dilayay Uu Ku Sugnaa Meel Aan Ka Fogeyn Hoygiisa.

Kooxdii Ka Dambeysay Dilka Sarkaalka Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Ayaa Goobta Ka Baxsatay,Waxaana Daqiiqado Kadib Goobta Soo Gaaray Oo Howlgallo Baaritaano Ah Sameeyey Ciidamo Ka Tirsan Dowladda,In Kastoo Dadkii Dilka Geystay Aysan Qaban.

Qof Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Ayaa warqaat.com U Faah Faahiyay Xaalada Xiligaan Goobta Uu Dilka Ka Dhacay.

“Sxb Xaafada Ayaa Lagu Dilay Nin Ka Tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Oo La Dhaho Maxamed Xasan Ciise,Dadkii Dilay Weey Carareen Anaga Markan Xabada Maqalnay Waan Naxnay,Ciidamo Ayaa Yimid Dhalinyaro Badan Ayay Qabqabteyn Laakin Hadda Xaaladu Waa Caadi Ayuu Yiri Goobjoogaha.

Dilka Sarkaalkaan Ayaa Ku Soo Aadaya Xili Xalay Fiidkii Isgoyska Hotelka Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid Lagu Dilay Laba Qof Oo Uu Mid Ka Mid Ah Ahaa Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.