Sargaal Katirsanaa Al Shabaab Oo Qorsheenaya In Uu Isku Dhiibo Dowlada…

22 total views, 1 views today

Wargeyska Nation Ee Kasoo Baxa Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya Ayaa Qoray In Hogaamiye Sare Oo Katirsanaa Xarakada Al Shabaab Uu Ka Fekerayo In Uu Isku Dhiibo Dowlada Kenya.

Axmed Iimaan Oo Katirsan Saraakiisha Sar Sare Ee Kooxda Al Shabaab Kana Soo Jeeda Dalka Kenya Ayuu Wargeysku Sheegay In Uu Hada Ku Jiro Baxsad, Waxa Uuna Wargeyska Intaa Raaciyay In Sargaalkan Qorsheenayo In Dowlada Kenya Isku Dhiibo Uuna Cafis Weydiisto.

Wargeyska Nation Oo Soo Xiganaya Ilo Sirdoon Ayaa Qoray In Axmed Iimaan Uu Hada Dhuumaaleysi Uga Jiro Dagaalyahanada Taabacsan Hogaamiyaha Al Shabaab Kuwaa Oo Baadi Goob Ugu Jira.

Dowlada Kenya Ayaa  Sheegtay In Axmed Iimaan Uu Hogaamiyo Dagaalyahanada Jeysh Ayman Oo Ah Garab Katirsan AL Shabaab Kana Howlgala Gudaha Dalka Kenya Gaar Ahaan Keymaha Bonni.

Warbaahinta Dalka Kenya Ayaa Horey U Sheegtay In Axmed Iimaan Uu Ka Carooday Xukuno Dil Ah Ay Kooxda Al Shababa Ku Fulisay Dagaalyahano Kenyan Ah Oo Lagu Tuhmay In Ay Jawaasiis Ahaayeen.

Dowlada Kenya Ayaa Baadi Goob Xoogan Ugu Jirtay Axmed Iimaan Oo Kamid Ah Saraakiisha Al Shabaab, Waxa Ayna Kenya Marar Badan Lacago Madaxiisa  Dul Dhigtay Sargaalkan Dalkeeda Kasoo Jeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.