Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay dileen 7 Dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab

12 total views, 1 views today

Taliyaha Millatariga Soomaaliya ee magaalada Kismaayo, Mukhtar Cabdi ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamadu ay weerar qorsheysan ku qaadeen Shabaab, ayna ka dileen ilaa 7 Dagaalame, dhankooda ayuu sheegay in weerarkaasi looga dhaawacay Hal Askari oo kaliya.

Sidoo kale Taliyaha Millatariga Soomaaliya ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Ciidanka maalmaha soo socda ay qaadi doonaan dagaallo kale oo culus, si Shabaab looga saaro degaano ka tirsan Jubbaland..

Wirkoy ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ciidanka weerarkan qaaday ayaa ka ambabaxay degaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 30-KM u jirta degaanka Wirkoy.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedka degaanka Wirkoy ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo Al-Shabaab lagu soo waramayo inay isaga baxeen gudaha degaankaan.