Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Shabaab

42 total views, 1 views today

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ciidamada Xoogga Ay Howlgal Qorsheysan Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab, Kadib Howlgal Ka Dhacay Tuulooyin Hoosyimaada Gobolka Gado.

Howlgalkan Ayaa Wuxuu Si Gaar Ah Uga Dhacay Tuuloyinka Kala Ah Caanoole, Barrow Diinle, Daahir Malin Iyo Cali Xareed, Waxaana Saraakiishu Sheegeen In Tuulada Caanoole Lagu Dilay Laba Sarkaal Iyo Dagaalyahano Tiradooda Ay Ka Badan Tahay Labaatan.

Taliyaha Qeybta 43-Aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cismaaciil Saxardiid Oo La Hadlay Warbaahinta Dowladda Ayaa Sheegay In Howlgalka Uu Ahaa Mid Xooggan Isla Markaasna Ay Si Wada Jir Ah Ay Iskaga Kaashadeen Ciidamada Xoogga Dalka Iyo Ciidamo Mareynkan Ah, Wuxuu Sidoo Kale Sheegay Labada Sarkaal Ee La Dilay In Lagu Kala Magacaabi Jiray Mahad Cabdi Kariin Iyo Cabdulaahi Macalin Geeddow.

Wuxuu Kaloo Sheegay Taliyaha Mahad C/Kariin In Uu Ahaa Sarkaalka Shabaab Ee Degaanka Caanoole, Halka C/Laahi Macalin Geeddow Uu Ahaa Sarkaalka Shabaab Ee Degaanka Barrow Diinle.

General Saxardiid Waxa Uu Tilmaamay In Tuuloyinka Kala Ah Caanoole, Barrow Diinle, Daahir Malin Iyo Cali Xareed Ay Markii Hore Joogeen Al-Shabaab Balse Hada Ay Soo Gashay Gacanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab Weli Dhankooda Kama Aanay Hadlin Warkan Ka Soo Yeeray Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Sidoo Kale Ma Jiraan Ilo Madax Banaan Oo Xaqiijinaya Warkan.