Saraakiisha Ciidanka X.D.S oo sheegay in Shabaab ay ka saareen Sablaale

21 total views, 1 views today

Wuxuu sheegay xaalada degmada in ay tahay mid degan, hadana uu socdo baaritaan ku aadan sidii loo saari lahaa Miinooyin loo maleynayo in gudaha degmada ay ku aaseen Shabaabkii ku sugnaa.

Sidoo kale Ibraahim Aadan Najax Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shacabka degmada ugu baaqay in ay in Ciidamada ammaanka ay la shaqeeyaan.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan ka soo yeeray saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, sidoo kale Shabaab weli kama aanu hadlin in xoogag iyaga ka tirsan lagala wareegay Sablaale.

Hadii aan dib u laabano Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya AMISOM iyo Ciidamo Cadaan ah ayaa shalay aroortii hore ka saaray Shabaab degaanada Mubaarak, Daarusalaam, Ugunji, iyo degmada Awdheegle, balse xalay goor dambe ayay ka baxeen, taasi oo ka dhigan jug jug meeshaada joog.

Shabaab oo u muuqday in ay ka caroodeen soo dhaweynta shacabka ay u sameeyeen Ciidamadii degaanada qabsaday ayaa maanta Awdheegle iyo Mubaarak ku xir xiray 20 ruux oo Odayaal iyo Dhalinyaro isugu jiray, kadib Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen.

Dadka sida aad ah ula socda arimaha siyaasadda iyo qaar ka tirsan Masuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Ciidanka Dowladda ku eedeeyay in Shabaab ay shacabka ku dirayaan, maadaama degaanadii ay qabsadaan ay durba dib uga baxaan, taasina Hal jeer iyo Laba jeer aysan aheyn.