Saraakiil Ka Tirsan Qeybta 12-Ka April Ee Ciidanka Xoogga Dalka Oo Maanta Tababar Loo Xiray

33 total views, 2 views today

Abuunduulaha  Taakuleynta Taliska  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bile Maxamed Aadan Iyo  Abaanduulaha Qeybta 12ka April Ahna Madaxa Howl Gelinta Qeybtaas Sarreeye Guuto Maxamuud Macalin Koronto Ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho Tababar Ugu Soo Xiray Saraakiil  Ka Tirsan Qeybta 12ka April

Saraakiishan Tababarka Loo Xirey Ayaa La Baray Mudadii Tababarka Uu U Socday Isticmaalka Isgaarsiinta Casriga Ah Iyo Qaabka Loo Fuliyo Howlgalada Gaarka Ah Waxaana Tababarkaan Bixinayey Khubaro Ka Socotay  Midowga Yurub.

Gen Bile Iyo Gen Koronto Oo La Hadlay Saraakiisha Tababarka U Xirmey Ayaa Kula Dardaarmay Inay La Yimaadaan Howlkarnimo, Islamarkaana Aqoontii Ay Barteen Ay Uga Faa’iideeyaan Ciidanka Iyagoo Ugu Baaqay Inay Dhexda U Xirtaan Sidii Dalka Looga Xoreyn Lahaa  Alshabaab.

Tababarkan Ayaa Qeyb Ka Ah Sida La Sheegay U Diyaargarowga Guluf Xoog Leh Oo Ay Dowlada Federalka Qorsheynayso Inay Ku Qaado Saldhigyada Ururka Alshabaab Ay Ku Leeyihiin Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.