Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Qadar oo mar kale dib u dhacay

14 total views, 1 views today

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa la filayay in ay maanta u duulaan dalka Qadar iyada oo uu safarkaas dib u dhacay.

Safarkan waxaa uu qorshuhu ahaa in 13kii Bishan uu Madaxweynaha ku tago dalka Qadar hayeeshee waa uu baaqday,haddana waxaa uu qorshuhu ahaa in maanta oo ay Bishu tahay 18 uu tago dalkaasi hayeeshee mar labaad ayuu dib u dhacay.

Wafddiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah lix Wasiir,Xildhibaanno iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo la qorsheeyay in ay ka mid noqdaan xubnaha Madaxweynaha u raaci lahaa Dalka Qadar.

Baaqashada safarka Madaxweynaha waxaa sabab u ah khilaafka cusub ee u dhaxeeya Laamaha fulinta iyo xeer dejinta Dalka.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoonka Golaha shacabka ee ay gadaal kla riixeyso Xukuumadda Soomaaliya ayaa hakad geliyay dhamaan shaqooyinkii Golaha shacabka waxaana ay xildhibaannada u kala jabeen labo Garab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in markii ugu horreysay uu ka hadlo Khilaafka u dhaxeeya Guddoonka Golaha shacabka iyada oo la filayo in isku dayo xallinta khilaafka hadda ka dhexjira laamaha xeer dejinta iyo fulinta dowladda Soomaaliya.