Safaaraddii Eretria ee Itoobiya oo dib loo furay

18 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)–Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddii ay ku lahayd Ethiopia maanta oo isniin ah, waana caddeeyn kale oo muujineeysa in xiisaddii Labadda Wadan ay hoos u dhacday.

Ra’iisul wasaraha Ehiopia Abiy axmed iyo Madaxweeyne Isaias Afwerki ayaa dib u furay Safaaradda, Magaaladda Caasimadda ah ee Addis Ababa, kadib xaflad kooban oo la qabtay.

Todobaad ka hor Labadda Hugaamiye waxay ku dhawaaqeen in Dagaalkii u dhexeeyay uu dhamaaday.

Hugaamiye yaashu waxay balan qaaadeen in labadda Dal ay sameeyn doonaan xiriir cusub islamarkaana ay dhaqaalaha iska kaashan doonaan.