Rasmi: Man Utd Oo Shaacisay Waqtiga Ibrahimovic Kusoo Laabanayo Tababarka Buuxa..

25 total views, 3 views today

Zlatan Ibrahimovic ayaa la filayaa inuu kusoo laabto tababarka buuxa ee Manchester United Isbuuca soo aadan.

Weeraryahanka halyeeyga ah oo aan kujirin qaab ciyaareed fiican ayaa soo dhigay bogiisa Instagram-ka sawiro muujinaya inuu soo laabtay.

Ibrahimovic ayaa isticmaalayay baaskiilka jimicsiga, maadaama uu isku dayayo inuu dib ugu laabto taam ahaanshaho rasmi ah.

Zltan uma ciyaarin kooxda Manchester United tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah maalintii ugu horeysay Boxing Day Premier League.

The Sun ayaa sheegeysa in Zltan dib usoo laabtay jimcihii, isagoo tababar gaar ah ku sameynaya garoonka tababarka United ee Carrington.