Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta Ee Dugsiga Tababarka Booliska

15 total views, 1 views today

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ayaa Weerarkii Ismiidaaminta Ee Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Ku Tilmaamay Mid Naf La Caari Ah Oo Kooxaha Nabadda Kasoo Horjeeda Ku Bartilmaameed Sadeen Goob Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Ka Tirsan Booliska.

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Sidoo Kale Tacsi U Direy Ehellada Askartii Geesiyaasha Ahaa Ee Naftooda Ku Waayay Falkii Argagixiso Oo Saakay Ruux Naftii Halige Ah Uu Ku Qaaday Xarunta Akaadeemiyada Booliska Ee Jen. Kaahiye.

“Waxaan Tacsi U Dirayaa Qoysaska Iyo Ehellada Askatii Shahiiday, Waxaana Leeyahay Allaha U Naxariisto Inta Dhaawaca Ahna Waxaan U Rajaynayaa Inay Ka Soo Kabtaan Dhaawacan, Dawladduna Xil Ayay Iska Saari Doontaa Daryeelka Kuwa Dhaawacmay, Waxaa Kaloo Ay Dawladdu Damaanad Qaadaysaa Gacan Siinta Qoysaska Ay Ka Shihiideen Askatu.”Ayuu Yiri RW Khayre.

Mudane Khayre Ayaa Xusay In Weerarkan Uusan Marnaba Ka Weecin Doonin Dadaalka Loogu Jiro Dib-U-Dhiska Soomaaliya Xasilloon Oo Sharcigu Sareeyo Si Dadkeenu Nabad Iyo Cizi Ugu Noolaadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.