Ra’iisul Wasaaraha Oo Gaaray Goobta Ay Ka Socoto Munaasabada Loogu Dabaal Dagayo Maalinta Booliska Soomaaliya…

20 total views, 1 views today

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa Goordhow Gaaray Xarunta Jeneraal Kaahiye Oo Ay Ka Socoto Munaasabada Loogu Dabaal Dagayo Sanad Guuradii 74aad Ee Ka Soo Wareegatay Markii La Aas Aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Lagu Wadaa Inuu Salaan Sharafeed Ka Qaato Ciidamada Booliska Soomaaliya, Waxayna Madaxda Qaranka Jeedin Doonaan Khudbado Looga Hadlayo Dabaal Daga Ciidamada Booliska Iyo Taariikhaha Kala Duwan Ay Soo Mareen.

Wasiiro, Xildhibaano Ka Kala Socda Labada Aqal, Wakiilo Ka Socda Beesha Caalamka Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Goobjoog U Ah Munaasabada.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya Ayaa Ka Mid Ah Awooda Ciidan Ee Qaranka Kuwaas Oo Soo Maray Burbur Xooggan Hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Didaal Dheeraada Ku Bixinaysa Xoojinta Iyo Qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.