Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Shir Beesha Caalamka Buuxeen Maanta Ka Sheegay Arin Muhiim Ah [Sawirro]

15 total views, 1 views today

Kulan Maanta ka dhacay Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ahaa mid lagu falan qeeyey Miisaaniyada 2018 Ee Arimaha Bini’aadanimo ay Ubaahan tahay Soomaaliya.

Waxa Kulankaasi soo agaasimay Qaramada Midoobeey waxaana ka qeyb galay Xubno ka socday Deeq Bixiyeyaasha,Hay’ado Samafal Wakiilo ka socday,Qaramada Midoobeey Xubno ujoogay iyo Madax ka timid Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Jamciyada Qurumaha Ka dhaxeysa waxay ku dheeraatay falan qeyn ku saabsan sida ay ugu baahan tahay Soomaali ubisil inay iyada is caawiso inta gar gaar uga imaanayo.

R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey Kulankaasi waxa uu sheegay in sidii loo dedaali karay ay Soomaalidu sameysay oo dhibka inta hadda yahay ka badan lahaa.

Sidoo kale waxa uu R/wasaaruhu uga mahad celiyey Xubnaha Qaramada Midoobeey ee shirka joogay sida ay iskugu xilqaameen Caawimaad loo fidiyo dadka ay Abaarta saameysay.

Saraakiil uhadashay Jamciyada Qurumaha Ka dhaxeysa waxay sheegeen inay jirto baahi weyn oo ah in la heli 1.6 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah si loogu qarash gareeyo samata bixinta kudhawaad 6 Milyan Qof oo Soomaaliya Gar gaar iyo Gacan qabasho ubaahi qaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.