Qoysas Caruurtooda Laga Xoogay Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo Iyo Somalida Canada Oo Walwalsan…

24 total views, 1 views today

Dowladda Canada Ayaa Xabsiga Dhigtay Labada Waalid Ee Dhalay 10,Carruur Ah,Kuwaas Oo Lagu Eedeeyay In Carruurta Aysan Ula Dhaqmin Si Wanaagsan.

Qaar Ka Mid Ah Carruurta Gaar Ahaan Labo Gabdhood Ee Ugu Roon Qoyska Ayaa Dowladda Ku Dacweeyay Waalidkood,Waxaana Ay Sheegeen In Aan Si Waangsan Loola Dhaqmin.

Ciidamada Booliska Ah Iyo Saraakiil Ka Socda Wasaaradda Daryeelka Carruurta Canada Ayaa Gaaray Guriga Qoyskaas,Waxaana Ay Ka Xireen Labadii Waalid Iyaga Oo Sidoo Kale Kaxeystay Sideeddii Kale Ee Carruurta Ahayd Ee Ku Ahrsaneyd Guriga

Maxkamad Ku Taalla Dalka Canada Ayaa Maanta Oo Khamiis Ah Qaadeysa Dacwadan, Si Ay Go’aan Uga Gaarto Cida Lagu Wareejinayo Caruurtan Iyo Xukunka Lagu Ridi Doono Waalidiintooda, Iyada Oo Looyaro Loo Qaban Doono Labada Waalid.

Soomaalida Ku Nool Canada Iyo Guud Ahaan Muslimiinta Ayaa Dadaal Xoog Leh Ugu Jira Sidii Ay Iyaga Ula Wareegi Lahaayeen Carruurta In Ay Ka Soo Dhamaaneyso Maxkamadeynta Labada Wadaalid,Waxaana Suurtagal Ah In Ay U Suuragasho.

Jaaliyadda Soomalaida Iyo Mulimiinta Kale Ee Canada Ayaa Xalay Kulan Yeeshay Waxaana Ay Qareen Difaaca U Qabteen Labada Waalid,Iyaga Oo Sidoo Kale Iska Dhex Xulay Dadkii Damiinan Lahaa Ubadkaas Inta Waalidka Ay Maxkamadda Uga Dhamaaneyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.