QM oo sheegtay in uu soo hagaagayo Amaanka badda Soomaaliya

85 total views, 5 views today

(Warqaat.Com)- Sanduuqa ka hortagga burcad badeeda ee QM oo jiray ilaa 2011 kii ayaa kordhiyay Amaanka Badda Soomaaaliya iyo galbeedka Badweeynat Hindiya iyadoo loo maray Dacwad oogista dadka geeysta dambiyada badaha Soomaaliya, sida ay Warhaahinta u sheegeen Saraakiil QM ka tirsan jimcihii.

Jaime Serpanchy oo ah xog hayaha Sanduuqa ka hortagga Burcad badedda ayaa sheegtay in taageero farsamo oo la siiyay wadamadda ay burcad badeedu saameeysay ee geeska Africa ay horumarisay awoodda Dacwad oogista ee dambiileyaasha ku lugta leh Amaan xumadda badaha.

Waxa ay sheetay in guul laga gaaray tilaabooyin ka dhan ah burcad badeedda oo la qaaday.

“waxaan caawinnaa wadamadda ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo Seychelles si ay uga hortagaan burcad badeedda iyadoo loomarayo tababaridda Booliiskooda iyo hay’adahooda Dacwad oogista” ayey tiri Jaime

Shir looga hadlayay Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa lagu soo gaban gabeeyay magaaladda Nairobi waxaana xaadiray ergo gaareeysa 200 oo ka kala yimid 68 Wadan, sida ay warisay Wakaaladda Warraka Shiinaha ee Xinhua.

Sharci dajiyeyaal, ergo heey’ado kala duwan ka socota iyo Qubaro Amaan ayaa xaadiray Shirka oo Sadax maaalmood ka socday Magaaladda Nairobi, shirkaas oo laaga dooday Xeeladaha Burcad badeedda looga tir-tiri karo ee Biyaha Soomaaliya.

Saraakiishii QM ee Shirkaas ka qayb galay in xaaladda Amaan ee biyaha Soomaaliya ay Wanaagsantahay markii loo eego Sanadihii hore.