Qiso Jaceel Oo Kadhac Day Dalka Masar Jaceyl Kii Jeelka(Xabsiga)Qeybtii 3

??

110 total views, 2 views today

Maxamed Badiic Wuu Sugi Kari La’ Yahay Jawaabtii. Ololka Xiiseha Ee Laabtiisa Gubayay Ayuu Habeen Oo Dhan Ka Seexan La’ Yahay. Jaceylka Ugubka Ah Ee Wadnihiisa Gilgilay Buu Maalintii Ka Nasan La’ Yahay. Wax La Sugo War Baa U Gaajo Kulul. 15 Cesho Kadib Ayay “Sumaya” Jawaabtii Iyo Go’aankeedii Soo Gudbisay.

Aaaaah! Toloow Maxay Noqon? Waa Wiil Dhibaato Ka Muuqato, Jeel Buu Ku Jiraa, Lix Sannadood Ayaa U Hadhay, Bar Xoolaad Laguma Oga, Sidoo Kale Waa Barasho Kedis Ah. Maxaa Laga Fili Karaa? Wax Laga Filoba, Sumayi Oggolaatay Maxamed, Waxayna Ku Ballanqaadday In Ay Sugi Doonto Inta Uu Jeelka Ka Soo Baxayo. Maxamed, Haddana Farxad Buu Habeenkii La Ledi Waayay, Maalintiina Hadalkeed Daa.

Dharaartii Danbe, Ayay Aabbihii Iyo Hooyadii Jeelka Ku Soo Booqdeen. Arrintii Buu U Sheegay. Hooyadii Way U Beer-Jileecday, Aabbihii Se Wuu U Qaadan Waayay “Waar Aabbe, Xaaladda Aad Ku Sugan Tahay Waad Og Tahay, Xoolo Meel Innooguma Xeraysna, Xataa Marka Aad Soo Baxdo Shaqo Kuu Sii Diyaar Ahi Ma Jirto. Midda Kale, Waa Gef In Gabadh Yar Oo Calaf-Doon Ah Waqtiga Laga Halleeyo Oo Ay Lix Sanno Ku Sugto, Hadhowna Sida Ay Wax Ku Dhammaan Alle Og Yahay” Calaacalkaas Buu Odaygi Oodda Ka Soo Qaaday Oo Inankii Ku Hafiyay.

Miyuu Warkaas Iyo Walaacaasiba Ku Socdaa, Waa Nin Daaqad Jaceyl Ku Furan Tahay Oo Duniduba U Qoslaysee. Dood Iyo Lafa-Gur Dheer Kadib, Hooyadii Ayaa Odaygii Ku Qancisay In Talada Inanka La Qaato, Waxana La Isla Afgartay In Qoyskii Xaaji Shanaawi La Soo Booqdo. Isla Habeenkiiba, Hooyadii Iyo Aabbihii Baa Booqasho Ugu Tegay Qoyskii Inanta.

Waa La Soo Dhaweeyay, Si Fiicanna Waa La Isu Soo Dhaweeyay. Habeenkaas Labadii Waalid Farxad Bay Ku Seexdeen Kadib Markii Ay Soo Xaqiijiyeen Rabitaankii Inankooda.

1 Comment

  1. I just want to mention I am newbie to blogging and site-building and certainly loved this web blog. Likely I’m want to bookmark your blog . You actually come with impressive stories. Thank you for sharing with us your web page.

Leave a Reply

Your email address will not be published.