Qiso Jaceel Oo Kadhac Day Dalka Masar Jaceyl Kii Jeelka(Xabsiga)Qeybtii 2

????

26 total views, 3 views today

Maxamed Badiic Wuu Arkayay In Saaxiibkii Gabadhi U Timid. Waa Uu La Socday Sida Edaabta Iyo Anshaxa Leh Ee Ay U Socotay Ama U Hadlaysay. Quruxdeedii Guud Ka Muu Indho La’ayn Kamana Ay Qarsoonayn. Wallow Aanu Sidii Kuwii Hore Daymo Daneysi Ah Iyo Qalbi Wasakhaysan Ku Fiirinin, Haddana Wuu U Bogay. Weligii Gabadhi Sidaas Oo Kale Maskaxdiisa U Ma Ay Dhex Mushaaxin Oo Maankiisa May Qabsan, Ha Yeeshee, Maanta Jaceyl Maqiiqan Baa Dhex Muquurtay Oo Qalbigiisa Ku Libdhay. Garay In Inanta Uu Saaxiibkii Dhalay Oo Ay Soo Booqatay.

Haddii Aynnu Dareenkiisa Dhex Galno, Ma Laga Yaabaa In Uu Hoos Ugu Gunuunucayay Erayo Af Carabi Ah Oo Xagga Macnaha Maansadan Hoose Shaabaha.

Dhal Wadaad La Moodyeey,

Indhahaa Ku Dhaygagay,

Dhabannada Hillaaciyo,

Dhoolla-Ka-Qosolkaagee,

Dhaqaaq-Joogsigaygaa,

Dhallaanku Ila Yaabaa.

Bal Qiyaas Nin Sagaal Sannadood Xidhnaa, Oo Weliba Jidh-Dil U Dheeraa. Inta Uu Caday Ka Dhuubtay Ayaa Dhibaatada Dhafoorkiisa Laga Akhrisanayaa. Shilin Kiishkiisa Ku Ma Jiro Oo Dhaqaale Ahaan Waa Eber, Meelna Wax Kuma Oga. Lix Sannadood Oo Kale Ayaa Uga Hadhay Muddadii Lagu Xukumay. Dheer Oo Dhib Leh. Inantan Uu Caashaqay Waxa Dhalay Nin Sirtiisa Iyo Caadkiisaba Og. Wuu Dareensan Yahay In Ay Gabadh Ugub Oo Curdin Ah Tahay, Oo Ay Nolol Roon Iyo Mustaqbal Raaxo Leh Rabto.

Waxaas Oo Dhan U Muu Joojine, Inta Uu Dhabar-Adaygay Ayuu Si Dhiirranaan Ah Al-Shanaawi Ugu Yidhi “Inantaada Ii Guuri!”. Al-Shanaawi Oo Yaabban, Dhanna Waxan Uu Maqlayo U Qaadan La’ Ayaa Si Kedis Ah Ugu Jawaabay: “Waa Sax, Laakiin Adigu Waad Aragtay, Iyadu Se Ku Ma Ay Arkin, Waa In Ay Ku Aragtaa Oo Aynnu Ra’yigeeda Iyo Go’aankeeda Ogaannaa”.

Si Kalsooni Leh Ayuu Maxamed Badiic Jeebkiisa Uga Soo Saaray Sawir Laga Qaaday Intii Uu Xidhnaa, Saaxiibkiina U Sheegay In Uu Sawirkan Inantiisa Siiyo, Sidaasna Ay Go’aankeeda Ku Soo Caddeyso. Waa Sawir Caato, Ciqaab Iyo Ciil Ka Muuqdo Oo Aan Ku Habboonayn In Jaceyl Lagu Godlo Ama Qalbi Gabadheed Lagu Soo Jiito. Al-Shanaawi Oo Garan La’ Inkaartan Inankii Heshay Ee Lalminaysa Ayaa Si Talo Ah Ugu Yidhi “Waar Sawirkani Ma Fiicna Oo Xaalad Xun Baa Ka Muuqatee, Ma Ka Deynnaa?”.

Maxamed Badiic Se Wuu Ku Adkaystay In Sawirkan Inanta Loo Gudbiyo, Waxana Uu Yidhi “Waxa Aan Rabaa In Ay Xaaladdeyda Dhabta Ah Iyo Duruufta Aan Ku Noolahay Igu Jeclaato, Oo Ay Ogaato In Aan Qalbigayga Oo Kali Ah Hayo”.

Sidaas Buu Al-Shanaawina Ka Oggolaaday. Waxa Lagu Heshiiyay: In Booqashada Soo Socota, Inanta Sawirka Loo Dhiibo, Booqashada Ku Xigtana Go’aankeeda Ay Soo Caddeyso, Haddii Ay Aqbashona, Qoyska Maxamed Badiic Arrinta Loo Sheego. Waa Hawl Waqti, Fikir Iyo Go’aan U Baahan. Nasiib-Wanaag Se, Ninkii Al-Shanaawiba Waa La Cafiyay.

Maalintiiba Jeelkii Wuu Ka Baxay Oo La Sii Daa, Saaxiibkiina Waxa Uu Ugu Bushaareeyay In Uu Inantii Guriga Ugu Tegi Doono, Sawirkana U Geyn Doono, Kadibna Jawaabta Uu Ku Soo Celin Doono.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.