Qaramada Midoobay oo sheegtay in Imaaraadka Carabta uu farogelin ku hayo Soomaaliya……

22 total views, 3 views today

Kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dowlada Imaaraadk Carabta ay farogelin siyaasadeed ku hayso dowlada Soomaaliya.

Warbixintan ayaa loogu baaqay golaha amaanka ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeeysa in ay isugu yimaadaaan kulan deg deg ah oo ku saabsan waxa ay ku sheegeen fargalinta qaawan ee imaaraadku uu ku hayo soomaaliya.

“Dowlada Imaaraadka Carabta waxa ay ku bixisaa dhaqaale badan siyaasadda gudaha ee soomaaliya si uu sameeyn ugu yeesho,waxana uu xiriir la leeyahay siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay dalka Soomaaliya iyo kuwo hadda xilal ka haya.”ayaa lagu yiri warbixintan.

Hay’addan ayaa ku tilmaantay farogelintan inay sidoo kale xustay  in  ay arintan halis ku tahay jiritaanka iyo waliba deganaanshaha siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya.

Kooxdan ayaa Golaha Ammaanka waxa ay ugu baaqeen  in ay si deg deg ah kulan uga yeeshaan kana soo saaraan go’aankooda ku aadan dhibaatada ka dhalatay faragalinta Imaaraadka ee Siyaasadda Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.