“Q,4aad”, Wahel Taan Kasugaayay Waran Beey Igu Taagtay

69 total views, 1 views today

Aqristayaal kusoo dhawaada “Q,4aad”, Wahel Taan Kasugaayay Waran Beey Igu Taagtay, waa sheeko xiisa badan oo Todobaadle ah, maalin walba oo sabti ah aad ka aqristaan shabakada warsheekh . saacid markii uu warqada aay gacalisadiisa u soo dirtay aqriyay ayuu goaansaday in u diro hadba jawaaabtii looga bahnaa oo laga sugaayay saacid ayaa sidaan ku bilaaway

Ku: gacalisadeeyda Qadro,

Macaanto misane ah gacalisadeeyda ah aad aan uugu faraxsanahay in aad awoodo in aad ii sheegto wixii jiro misane aadan iga qarin xabiibti waxaa hubaal ah misane aan shaki ku jirin in aan kaa qarsan laheyn wixii igu soo zaaido teeda kale dhib malahan gacaliso aniga aa bishii 100 meel kuu saaraayo oo waxbarashadaada gooni ka tahay teeda kale ogoow qoyskaada madaxa korkiisa aay ii saaaran yihiin oo waalidkeey oo kale aay ii yahiin. macaanto ogoow jaceylka adkeysi uu u baahanyahay iyo dulqaad xabiibti qeyr badan aan kuu dhaaafay waa inoo barito jaaw saacid isla malintaasbo 100kii uu balan qaaday horay ayuu ka diray qadro ayada oo waxbarashadeeda iskaaga jirto ayaa xawaalad xawaladaha ka mid ah so wacday oo lagu war galiyay in aay lacag u taalo islama markiiba waa dareentay in uu gacaliyaheeda beenta ah misane baariga ah uu usoo diray xoogaa lacag ah wixii uu waqtiga is guraba qadro ayaa markii aay lacagta soo qaaday horay ka wacday macaankeeda kamal Kamal: galab wanaagsan gacaliso

Qadro: wanaagsan gacaliye see ii tahay macaanto Kamal: qaali aad aan kuugu fiicanahay ka waran adiga dhankaada

Qadro : macaane waan kuu fiicanahay wax iga haleysan ma jiraan gacaliye ee macaane maanta waxaan rabaa in aan horomarka nolosheena ka tashano ee diyaar ma u tahay Kamal: qaali wax aan kaa diidayo maa jiraan hee waad ogtaheee, ee wax zaaid ah ma jiraan

Qadro : macaane saan talo manoo ahan waxaan rabaa in aad noloshada wax ka badasho oo aad balwada iska dhaafto oo xoogaa lacag ah aan walaalkeey kaaga qaado oo aad dukaan ama wax uun noogu furto si aan nolosheena meel u saarano ka dibne aan is guursano kamal: gacaliso taasi dhib malahan waan dadaalaa balse halmar mala wada joojin karo balse jaadka waan iska dhaafaa laakin sigaarka mudo aay qaadanee

Qadro: gacaliye aad aan uugu faraxsanahay in aad codsigeeyga aqbasho qadro gacaliyaheeda ayeey bilkasto 25 doolar meel u saartay balse somali aa u horay u dhahday labo kala bariday kala war la’kamal aa xiliyada uu jaadka cunayo ayuu dhalinyada uugu faani jiray in uu heeysto gabar jecel oo jaadkiisa xitaa meel saartay dharkiisane gadeeyso maalin maalmaha ka mid ah ayaa mid ka mid ah kuwii la qayilaayay weeydiyay in uu qoftaas jecel yahay iyo inkale balse wuxuu uugu jawabay

sxb sanadkaan jaceyl ma jiro oo aduunkaan waa ku dhifo oo ka dhaqaaq marka qoftaas hadalada macaanka badan lee uugu kaalmeeynaa wixii aan rabone waan helaa haye oo hada jaceylka run maka ahan miyaasxb run wuu iga ahaa balse waalidkeed ayaa igu qanacsaneyn marka hada wax jaceyl ah ma u haayi oo waxa kaliya aan rabo waa in aan jaadkeeyga meel kasaarto inta aay i wadone waan wadaa sxb

laakin qadro jaceylka aay kamaal u qabto wuxuu ahaa mid sax ah misane daacad ka ah dhanka kale Saacid riyo maalmeed aan caadi aheyn aa waalay oo qofta uu jecelyahay misane uu bilkasto biilka u dirayo waa ka sii jeedaa oo lacagta uu dirobo dad aa lagu biilaa balse saacid ayaa maalin maalmaha ka mid ah weeydiyay in aay gacalisadiisa diyaar u tahay in aay guursato iyo inkale waxaana dhax marta sheekadaan

Saacid : macaanto xabiibti waan ku salamay qadro: macaane waan kaa qaaday salaan iyo sheeko gaaban ka dib ayuu saacid dantii uu uso wacay guda galay asiga oo ku bilaway

Saacid: gacaliso maadaama aan mudo wada soconay hadane uu jaceylkeena meeshii lo baahnaa uu marooyo maxaa ka qabtaa hadii aan macaanka jaceylkeena dhadhamino oo aan is guursano

Qadro hadalkaas aad u weeyn meel ayuu ka taabtay oo markii horeba qof wax jaceyl ma aheyn o waaba aay ka sii jeeday

ayada oo rabto in aay hadalkaane cusub dib u dhigto aa ku jawaabtay

Qadro: gacaliye aroos ma fududa ee aan mudo ka warsugno (geedkii orod lagu koro orod aa looga dagaa aa la dhahay e )

saacid: gacaliso waxaa muhiim ah kalsoonida ee adiga dhankaada miyaa kalsooni daro jirta mise sabab kale oo arooska ku diideeyso maa jirto bal runta ii sheegbo ?

qadro hadalkaasi ayaa si xun u tabtay ayaa ku jawaabtay

Qadro(oo xanaaqsan);haye sheeko maa keentay, oo hadal maa laguu keenay warkaada ma fududa bee

Saacid oo hadaalkaasi ka shakiyay ayaa ku jawaabay

Saacid: aniga qof wax ii sheegtay ma jirto balse in aay wax jiraan aan dareemooyaa ee hadii uuna jaceylka daacad kaa aheyn hadaba isheeg waajib ma ahan in aad aniga lee nolosha ila wadaagto

Qadro: aboowe wax jiro malahan ee maxaa dareentay

Saacid: dabcan in aad wax qarinooyso aan dareemooyaa balse dhib malahan LUUQ LUUQ MAROOW LAAZIM LAAMIGA LEE WAYAY oo waa hubaal in aay wax jiraan balse waa soo baxaayaan dhib malahan

Qadro aa dareentay in uu kamaal xanaqay o xanaaqeeda benta ah uu meel tageeynin ee aay danta uugu jirto in aay is dajiso si aay danteeda kale u gaarto

Qadro(ayada oo is jilcineeyso): gacaliye qof aan wax ka qarin karo ma tahay horta

Saacid: kalsonida aa muhiim ah dhowr jeer oo horane suaalo aan ku weeydiyay aan kaa helay jawaabo aan fiicneeyn o kalsoni daro ah marka wixii jiro waan ogaanaa insha alalh

Qadro: maxaa ka mid ah suaalahaas aan hada kaaga jawaabee

Saacid: waxaa ka mid ah in aad iga diiday in aad waalidka i barto balse dooda ma fiicno ee hada suasha aan ku weydiyay diyaar makaa tahay jawaabteeda

Qadro: gacaliye in aan xaaskaada noqdo diyaar aan u ahay balse xoogaa waan kala fognahay hadane waxa aad ku sugantahay ma ogi aniga taasi aa keentay in aan ku dhaho aan ka fikirno

Saacid: aniga waan is hubaal ee adiga lee qof fiican noqo oo lagu kalsoonaan karo gacaliso ogoowne jaceylka waa sheey qaali ah aan qiyaano mudneeyn sabab aan kugu qiyaanone ma jirto

Qadro aa dareentay in aay tahay qofka wax qiyaameeyso ayaa indhaheena ilin ka soo daadeen markaas ayey ku ugu jawaabtay

Qadro(ayada oo ooyneeyso): gacaliye iga raali noqo ma jecli in aan ku dhibo ama aan ku murjiyo ee aduunka aa murug ka sameysa saacid aa ka xanuunsaday hadalka muruga iyo ooyinta wato oo gacalisadiisa dhankeeka ka imaanayay aa ku jaawabay

Saacid : gacaliso iga raali noqo ee hada iska naso kana soo fikir ee sida kula fiican ii soo sheeg isbuuca danbe aan ku soo wacaa aniga gacaliso qadro oo rabo in aay gacaliyaheeda niyada u dajiso aa ku jawaabtay

Qadro:macaane raali noqo ina cafi iina dulqaado aniga adiga aa i leh ee isbuuca danbo ma sugi karee xitaa qadka aan isku aragno

wixii o waqtiga socdayba labo maalmood ka dib ayeey qadka isku arkeen waxaana dhax martay sheekadaane murugta iyo xiisaha badan