Puntland oo ku Hanjabtay in ay la wareegi doonto Gobalka Sool.

980 total views, 1 views today

Cabdiraxman Abuubakar Geelle Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Puntland oo la hadlay Warqaat.Com ayaa sheegay in Shacabka ku nool Magalada laas-Caanood ay ka hor-istaageen Madaxweynaha soomaaliland in uu galo Magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dhawaan ay Gacanta ku dhigeen doonaan guud ahaan Gobalka Sool, isagoona ku hanjabay in dagaal kula wareegi doonaan gobalkaasi.

Arintan ayaa waxaa uu ku sheegay Gudoomiyaha in ay hada wadaan, islamarkaana ciidamo badan ay geeyeen deegaanada ka tirsan Gobalka Sool.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Sool ayaa Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland uu xirnaa Jaakad bir ah marka uu imaanayay Magaalada Laasacaanood.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa ay isku hayaan deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool, iyadoona dhowr jeer ay ku dagaalameen