Puntland Oo Dagaal Ku Dhawaq Day iyo xaalada deegaanka Tukiraq Oo Isbadal Gashay…

20 total views, 1 views today

Kulan Maanta Magaalada Garoowe Ay Ku Yeesheen Baarlamaanka Maamulka Puntland Ayaa Waxaa Ay Ku Go’aamiyeen In Ciidamada Puntland Ay Gacanta Ku Dhigaan Degaanka Tukaraq Ee Gobalka Sool Oo Dhawaan Ay Dagaal Kula Wareegeen Ciidamo Ka Amar Qaata Maamulka Soomaaliland.

Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Maamulka Puntland Oo Maanta Saxaafada Kula Hadlayay Magaalada Garoowe Ayaa Cadeeyey In Aan Marnaba Loo Dulqaadan Doonin Faragalinta Somaliland, Wuxuuna Sheegay In Ay Baarlamaanku Amreen In La Qaado Talaabo Lagu Difaacayo Xaduudaha Iyo Deegaanada Puntland.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Ayaa Amar Ku Bixiyay In Xukuumada Ay Qaado Talaabo Dagaal, Ayna Tahay Waajib Dhameystiran Oo Laga Sugayo Ayna U Balan Qaaday Shacabka Puntland Ee Ay Xilalka U Hayaan.

Warkan Ka Soo Baxay Mudanayaasha Puntland Ayaa Ku Soo Aadayaa Xili Degaanka Tukaraq Ee Gobalka Sool Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Soomaaliland,Inkastoo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Laga Laga Dareemayo Degaankaasi,Kuwaasi Oo Ay Sameeynayaan Labada Maamul Ee Ka Soo Kala Jeeda Puntland Iyo Soomaaliland.

Shacabka Ku Nool Degaanka Tukaraq Ee Gobalka Sool Ayaa Cabsi Badan Waxaa Ay Ka Muujinayaan In Korkooda Ay Ku Dagaalamaan Ciidamo Kala Taabacsan Maamulada Puntland Iyo Soomaaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.