OIC: “Soomaaliya waxaan ka taageeraynaa la dagaalanka Shabaab”

1,092 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—War kasoo baxay xafiiska guud ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya ka taageerayaan la dagaalanka waxa ay ku tilmaameen argagixisada.

Waxa ay balanqaadeen in ay dadka iyo dowladda Soomaaliya ay garab taagnaan doonaan kana caawin doonaan sidii dowladda dhexe ay guul kaga gaari laheyd dagaalka sanadaha qaatay oo ay kula jiraan Islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya ee shabaab.

Xoghaayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen ayaa sheegay in la joogo xiligii dowladaha Islaamka ay u midoobi lahaayeen la dagaalanka ururada huwan magaca Islaamka ee ku lugta leh dagaalada dhiiga badan ku daatay isagoo tusaale usoo qaatay shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

waxa uuna sheegay in Ururka iskaashiga Islaamka ay usoo jeesan doonaan taageerida Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in caqabad weyn ay ku haayaan shabaab oo sida uu sheegay dowladnimada Soomaaliya ay ka kobci la dahay.

Balanqaadkaan uu Ururka iskaashiga Islaamka uu u sameeyay Soomaaliya ayaa kusoo aadayo maalin uun ka dib markii shabaab ay Magaalada Muqdisho ka geysteen weerar loo adeegsaday qaraxyo is xig xigay oo ay ku naf waaayeen in ka badan 35 ruux tiro intaas ka badana ay ku waxyeeloobeen.