NISA oo hakisay Qandaraasyo Malaayiin Doollar ah oo uu saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga

1,313 total views, 5 views today

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay hakisay maanta Qandaraasyo malaayiin Doollar ah oo baxay sanadihii la soo dhaafay.

Warkan ka soo baxay Taliska NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in qandaraasyadan la hakiyay uu saxiixay Wasiirkii Hore Amniga, islamarkaana loo gudbiyay Hanti-dhoorka guud ee Qarank.

“NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga,si’ uu u baaro uguna gudbiyo hay’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay’adda oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka NISA.