Neymar Oo Barbareeyey Rikoor Tartanka Champions League Ay Ka Dhigeen Del Piero, Rebrov Iyo Ronaldo…

21 total views, 1 views today

Ka dib markii Paris Saint-Germain ay 7-1 kaga badisay Celtic, Neymar ayaa laba gool u dhaliyey kooxda reer Frnace, taasoo la micno aheyd inuu gaaray rikoorkii goolasha wareega group-yada ay ka dhaliyeen Del Piero, Rebrov iyo Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa barbareyay rikoor muddo sanno ah u yaalaya saddexdaas ciyaartooy kuwaasoo goolal dhaliyay shanta kulan ee ugu horeysa wareega Group-yada Champions League..

Ciyaartoy aad u yar ayaa ku guuleystay in ay gool ka dhaliyaan mid kasta oo kamid ah shanta kulan ee ugu horeysa wareega Group-yada Champions League, Neymar ayaana haatan noqday xiddigii ugu dambeeyay.

Bayern Munich, Celtic, Anderlecht, Anderlecht, iyo Celtic ayuu dhamaanba si xiriir ah goolal kaga dhaliyay Neymar shantii kulan ee Champions League uu u saftay kooxda PSG.

Ilaa iyo haatan, seddex ciyaaryahan oo keliya ayaa ku guuleystay inay dhaliyaan ugu yaraan hal gool mid kasta oo ka mid ah shanta kulan ee ugu horeysa Group-ka.

Xiddigaha Del Piero, Rebrov iyo Cristiano Ronaldo ayaa hore rikoorkaan u sameeyay, waxaana hadda barbareeyay Neymar Jr.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.