Neymar JR Oo U Deyriyey Real Madrid, Xilli PSG Ay Hadashay Iyo Edinson Cavani Oo Jabiyey Rikoorkii Zlatan Ibrahimovic..

49 total views, 2 views today

Ka Dib Markii Uu Laba Gool Ka Dhaliyey Kooxda Montpelier, Neymar  JR Ayaa Ugu Dambeyntii Dareen Siiyey Wararka Xanta Ah Ee La Xiriira Mustaqbalkiisa Soona Jeedinaya In Uusan Ku Faraxsaneyn Kooxdiisa Paris Saint-Germain.

Xiddiga Heerka Caalami Ee Dalka Brazil Ayaana Daaha Ka Qaaday In Sababta Uu U Yimid Caasimadda Faransiiska Ay Tahay Inuu Taariikh Cusub U Sameeyo Kubadda Cagta.

Madaxweynaha Kooxda PSG Nasser Al Khelaifi Ayaa Horayba Warbaahinta Ugu Sheegay In Xiddiga Heerka Caalami Ee Dalka Brazil Aysan Marnaba Iibin Doonin Dhammaadka Xilli Ciyaareedkaan, Xiddigii Hore Ee Barcelona Neymar JR Ayaana U Muuqda Mid Aragtidaas Ku Waafaqsan Madaxweynihiisa Nasser Al Khelaifi.

“Waan Ku Faraxsanahay Paris Saint-Germain Waxaana U Imid Kooxdaan Paris Saint-Germain Inaan Taariikh Ku Sameeyo,” Neymar Ayaa Sidaasi U Sheegay Warbaahinta.

“Marwalba Xanta Kubadda Cagtu Waa Mid Aan Joogsi Laheyn, Xitaa Sidaan Oo Kale Ayaa Looga Hadlayey Mustaqbalkeyga Markii Aan Joogay Barcelona. Marwalba Oo Uu Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoydu Furmo Magaceyga Ayaa Kasoo Muuqda”.

Intii Lagu Jiray Ciyaartii Kooxda Montpelier, Edinson Cavani Ayaa Noqday Gooldhaliyaha Ugu Sarreeya Taariikhda PSG, Laakiin Neymar Ayaa Markale Sii Watay Waajibka Rigoore Gamista.