Neymar JR Oo Ka Guuray Gurigii Uu Ka Deganaa Caasimadda Paris Xilli Sababta La Ogaaday!

Paris Saint-Germain's Brazilian

29 total views, 1 views today

Neymar JR ayaan weli ku qanacsaneyn nolosha caasimadda Paris ee dalka France, xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaana haatan ka guuraya guriga uu ka degan yahay Paris sababo ammaanka la xiriira.

Neymar wuxuu deganaa xaafadda Bougival, weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ayaana wuxuu haatan ku qasbanaaday inuu ka guuro gurigaas, oo uu degay bishii October ee sannadkaan.

Neymar wuxuu dareemay cabsi dhanka ammaanka ah, taageereyaasha xiddigaan ayaana markasta kasoo boodaya derbiga gurigaan oo dhirirkiisu yahay 1.70 metre si ay u arkaan xiddigii hore ee kooxda Barcelona, sida laga soo xigtay shabakadda Le Parisien ee fadhigeedu yahay caasimadda Paris.

Deriska Neymar ayaa sidoo kale dhowr jeer kala dhexgalay ciidanka ammaanka Neymar iyo taageereyaal derbiga gurigiisa kasoo booday.

Neymar wuxuu haatan degay guri aan ka fogeyn midkii uu hore u deganaa, laakiin dhanka ammaanka uu kaga wanaagsan yahay gurigii hore, qoyskiisa ayaana ugu dambeyn ku qanacsan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.