Muxuu kudhahay Rio Ferdinand markii la waydiiyey midka uu ka hoos ciyaari lahaa Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

24 total views, 1 views today

Rio Ferdinand Oo Horay Ugu Soo Ciyaaray Manchester United, Haddana Ka Mid Ah Khabiirada Kubadda Cagta Ka Faallooda Ee BT Sports Ayaa La Weydiiyey Midka Uu Ka Hoos Ciyaari Lahaa Jose Mourinho Iyo Pep Guardiola Haddii Uu Kubadda Cagta Ku Sii Dhex Jiri Lahaa.

Waxa Uu Ferdinand Muddo Ka Soo Hoos Shaqeeyey Macallinkii Guulaha Ee Man United Waqtiga Dheer Soo Maamulayey Sir Alex Ferguson, Waxaana Uu Rio Si Ay Xariiftinimo Ku Dheehan Tahay Uga Jawaabay Mid Uu Dooran Lahaa Macallinka Reer Spain Ee Guardiola Iyo Kan Portugal Ee Mourinho.

Mourinho Waxa Uu Haatan Baadi Goob Ugu Jiraa Sidii Uu Man United Dib Ugu Soo Celin Lahaa Kaalintii Ay Ku Lahayd Horyaalka Premier League Xilligii Sir Alex, Laakiin Waxa Uu Tababaraha Reer Portugal Xafiiltan Wayn Kala Kulmayaa Guardiola Oo Isna Kooxda Uu Diyaarsaday Ku Haysta Magaalada Manchester.

Rio Oo 12 Xilli Ciyaareed Si Joogto Ah Uga Soo Muuqday Kooxda Ka Dhisan Garoonka Old Trafford Ayaa Sheegay In Difaac Ahaan Uu Isagu Dooran Lahaa Inuu Jose Mourinho Ka Hoos Shaqeeyo, Halka Uu Sidoo Kale Sheegay In Guardiola Uu Dooran Lahaa Haddii Uu Doonayo Inuu Weerarka Ka Qeyb Qaato, Isla Markaana Uu Joogi Lahaa Germany.

“Ka Difaac Ahaan Waa Jose, Sababtoo Ah Si Fiican Ayaa La Ii Ilaalinayaa, Laakiin Haddii Aan Doonayo In Aan Ciyaartoydayda Weerarka Aan U Yeeriyo Sidii Aan Samayn Jiray Waa Pep, Haddii Aan Joogi Lahaa Germany Anigu Waxaan Doonayaa In Aan Guardiola U Tagi Lahaa.” Ayuu Yiri Rio Ferdinand

Man City Oo Hoggaanka U Haysa Horyaalka Premier League Ayaa Sabtida Booqan Doonta Kooxda Leicester City, Halka Man United Ay Soo Dhawaynayso Newcastle United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.