Mustaqbalka Madaxweyne Mugabi Oo Goordhaw Go’aan Laga Gaaray…

19 total views, 1 views today

Xisbiga Talada dalka Zimbabwe haya ee Zanu-PF ayaa maanta kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Harare, waxa ayna kulankooda uga arinsanayeen Mustaqbalka Madaxweyne Robert Mugabi.

Dood iyo Falanqeyn kadib ayaa Xubnaha sare ee Xisbiga Zanu-PF waxa ay isku raaceen in shaqada ka eryaan Madaxweyne Robert Mugabe, sidoo kale ka qaadaan Hogaankii uu xisbigaasi ka hayay.

Xisbiga Zanu -PF ayaa hogaamiye waxaa looga dhigay  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwam , kaa oo maalmo kahor Mugabe ka eryay Xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Shaqo ka eryidii Madaxweyne kuxigeenka dalka Zimbabwe ayaa horseeday in Milatariga dalkaasi ay qaadaan talaabo deg deg ah xilkana ka tuuraan Madaxweynihii dalkaasi Robert Mugabi.

Madaxweynihii dalka Zimbabwe Mugabi ayaa wali ku adkeesanaya in uu yahay Madaxweyne, walina kama uusan hadlin Mugabi shaqo ka eryida ay maanta ku sameeyeen Xisbigii uu hogaamiyaha ka ahaa ee Zanu -PF.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.