Muqdisho: 7; Qof oo isku qoys ah oo ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda

19 total views, 1 views today

Ugu yaraan 7; Qof ayaa geeriyootay kaddib markii xalay gelinkii dambe uu dab ka kacay Guri ay ka degganaayeen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ay isugu jiraan Hooyo iyo 6; Carruur ah oo ay dhashay,waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Odaygii Guriga.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamewd Tuulax ayaa sheegay in ay xalay goor dambe u gurmadeen Guriga uu dabka ka kacay ee ay dadkaasi ku dhinteen.

Waxaa uu sheegay in Nasiib darro dadka degganaa Guriga ay intooda badan Geeriyoodeen kaliyana uu ka bad baaday Odayga Guriga oo isugba dhaawac ah.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijisay waxa sababay dabkaasi ay ku nafwaayeen todobada Qof oo isku qoyska ahaa ee xalay ka kacay Degmada Yaaqshiid.

Tuulax,ayaa sheegay in ay ku dadaaleen xakameynta dabka si uusan ugu fidin xaafadaha kale ee ka agdhaw khasaaruhuna uusan uga badan inta uu hadda yahay.

Waxaa uu Tacsi u diray ehelka iyo Qaraamada ay ka baxeen Qoyska  ku geeriyooday dabka ka kacay Gurigooda ee Degmada Yaaqshiid.

Filo wixii soo kordha