Mukhtaar Roobow Cali Oo Galabta Gaaray Magaalada Kismaayo Iyo..

25 total views, 1 views today

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Ayaa Galabta Gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubbada Hoose, Halkaasoo Lagu Soo Dhoweeyay.

Ujeedka Socdaalka Roobow Ee Kismaayo Ayaa Lagu Sheegay Inuu La Xiriiro Wadatashi Uu La Qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Ay Xilli Ka Wada Tirsanaan Jireen Alshabaab, Laguna Tilmaamo Inay Ka Mid Ahaayeen Xubnihii Aas Aasay Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow Ayaa Waxaa Safarkiisa Ku Wehliya Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga C/Rashiid C/Llaahi Oo Ahaa Ninkii Xudur Ka Keenay Wadaadka Bishii August.

Abuu Mansuur Ayaa Kulan Uu Dhowaan Kula Qaatay Baydhabo Wariyeyaasha Waxaa Uu Ka Dalbaday In Aanay Ugu Yeerin Inuu Isku Dhiibay Dowladda Soomaaliya, Balse Uu Wada Hadal Kula Jiro.

Mukhtaar Roobow Oo Horay Uga Baxay Alshabaab Ayaa La Sheegayaa Inuu Doonayo In Dagaal La Galo Shabaabka, Waxaana Uu Abaabulo Ka Wadaa Deegaanada Uu Ka Soo Jeedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.